lug lahaanshahooda ciyaarta ayaa markaa gebi ahaanba lama huraan ah. Waa lagama maarmaan in waalidiinta iyo shaqaaluhu ay wada hadlaan oo ay wada shaqeeyaan si loo joojiyo xoogsheegashada iyo xadgudubka, waana in qorshe la sameeyaa. FUB waxay ka welwelsan tahay in waaya-aragnimada qofka la xoogsheegtay iyo in waayaha carruurta iyo dareenkooda si dhab ah loo qaato. Shaqada ka dhanka ah xoog u sheegashadu waa inay noqotaa mid ku soo noqnoqota nolol maalmeedka xanaanada. Xannaanadu waxay aasaas u tahay dugsiga dambe iyo nolosha xirfadeed. Sidaa darteed kahortaga xoogs- heegashada waa inay noqotaa goor hore si ay caruurtu u yeeshaan dabeecad wanaagsan iyo qaab dhexgalka halkan iyo hadda iyo sii nolosha. FUB waa xisbi ka mid ah Iskaashiga La Dagaalanka Xoog u sheegashada. . kaas oo wax ku biirin doona in la xoojiyo hogaamiyaasha, xanaanada caruurta iyo in la faafiyo karti iyo aqoon.
Last ned PDF-fil