• Iskoolka wax wanaagsan ka sheeg, waxay saamaynaysaa fikirka iyo sida ay carruurtu iskoolka u arkaan. • U gunto maalin-dugsiyeedka ilmaha, markaas ayuu ilmahaagu iskoolka meel fiican ka gaarayaa. • Firfircooni u samee fasalka oo dhan, waxay taasi abuuri kartaa bey’ad fasal oo wanaagsan. • U diyaargaraw in xiriirka shaqaalaha iskoolku uu ka yaraan doono kii xannaanada carruurta. Xannaanada carruurta iyo billowga iskoolka Xannaanada carruurta oo la shaqaynaysa isfahanna la leh waalidka ayaa kalaguurka xannaanada carruurta iyo iskoolka iyo SFO ilmaha uga dhigaysaa mid fiican oo ammaan ah.Hubi in ay xannaanada carruurtu: • Nidaam u samaysay kalaguurka xannaanada carruurta iyo iskoolka iyo SFO. • Iskoolka siiso macluumaadka ilmaha kaddib marka taas adiga laguu sheego marka hore. • Leedahay waxbarasho gaar u ah carruurta iskoolka billaabaysa. • Maammuus u sameeyaan carruurta xannaanada carruurta dhammaynaya oo iskoolka billaabaya. • Waalidka ku casumaan in ay ka qaybqaataan qorshaynta iyo fulinta kalaguurka tusaale ahaan in loogu yeero wadahaddalo gooni gooni ah ama shir waalid loo wada qabto. • Iskoolka siiso warbixinta waajibka xogqarintu saran tahay ee ilmahaaga iyo adinka waalidka ah. Sida uu dhigayo xeerka maammulku § 13 (waajibka xogqarinta), waxaa halkaas ku qoran in aysan shaqaalaha xannaanada carruurta iyo iskoolku sharci u haysan in ay dad kale siiyaan ama u sheegaan waxyaalaha ay ka og yihiin xaaladaha qof. Hadd aba tani waa in ay dhacdaa kaddib marka ay waaldiku oggolaadaan.
Iskoolka iyo billowga iskoolka Hubi: • In ay shaqaalaha iskoolka iyo SFO carruurta ku soo booqdaan xannaanada carruurta intaan iskoolka la furin ka hor. • In uu iskoolku adinka waaliddiinta ah idinku casumay wadashaqayn ah sidii ay carruurtiinnu iskoolka si fiican ugu billaabi lahaayeen. • Sida uu iskoolku uga shaqeeyo ka helidda carruurta oo dhan. • In uu iskoolku tixgeliyo saaxiibbada carruurta marka ay iskoolka billaabayaan iyo marka fasalka laysku dhafayo. • Sida ay tahay xaaladda kalaguurka iskoolka iyo SFO haddii uusan ilmahaagu xannaano carruur dhigan. • Iskoolka iyo SFO ka hubi qaabka dhar bixinta/xirashada iyo tegista musqusha. • Haddii aad degmada ku cusub sida ay tahay wadashaqayntax annaanada carruurta iyo iskoolka. • In turjubaan laguugu qaban karo shirarka kalaguurka ee iskoolka si aad u ogaato in iskoolku warbixin sax ah ka helo ilmahaaga. • Sida ay iskoolka iyo SFO uga wada shaqeeyaan la socoshada iyo warbixinta ilmahaaga. • Waxa uu iskoolku adiga waalidka ah kaa filayo. • In iskoolku dadka ka caawiyo cashirrada. • Sida uu iskoolku ammaanka ugu taxaddaro bareegga, dadka oo dhanna ciyaarta uga qayb geliyo. Guddiyada waalidku waxay idiin rajaynayaan nasiib wacan kalaguurka muhiimka ah ee xannaanada carruurta ilaa iyo iskoolka iyo SFO! • In iskoolku wax isugu dubarido carruurta u baahan caawin dheeri ah. • In iskoolku ilmahaaga wax u baro si ku habboon baahida iyo kartida ilmaha.