• Waaliddiinta kale ee xannaanada carruurta kala hadal kalaguurka xannaanada carruurta iyo iskoolka, ma jiraan carruur ay kuwaaga isku iskool billaabayaan oo carruurta ma wada diyaarin kartaan? • Ilmaha ka caawi in uu noqdo mid inta ugu badan ee suurtaggalka ah dharka iska bixin kara oo xiran kara musqushana tegi kara. • Adiga iyo ilmahaagu ku tababbarta in aad iskoolka aaddaan si uu kalsooni u dareemo. • Iskoolka ama waaliddiinta fasalka ilmaha kala hadal in aad ilmaha nidaam u samaysaan oo ay iskoolka isu raacaan/iska soo raacaan. • La xiriir oo baro waaliddiinta kale ee fasalka carruurta. Waxay keeneysaa wadashaqayn wanaagsan iyo xiriir dhex mara waalidka iyo carruurta. • Carruur kala duwan oo qaybtaas ama fasalka dhigata guriga ku casun oo u fiirso sida ay carruurtu u wada ciyaarayaan, taasi waxay ka hor tegi kartaa in ilamaha qaar la qoqobo ama la dhibo. • Wax wanaagsan ka sheeg carruurta qaybta/fasalka iyo waalidkood, waxay keenaysaa in ilmahaagu aqbalo oo fahmo. • Hubi in uu ilmahaagu helo hurdo, cunto iyo dhaqdhaqaaq ku filan – markaas ayuu kordhayaa adkeysiga iskoolka ee ilmuhu. • Ka fikir sida aad waalid ahaan isugu dubaridi karto xafladda maalinta dhalashada iyo isu imaatinnada bulshada ee kale, oo ay uga qayb qaataan carruurta kale ee qaybta/ fasalka. Ma laga yaabaa in aad xannaanada carruurta iyo/ama iskoolka ku dhigan karto xafladahaan?
Last ned PDF-fil