Hordhac Marka ugu horreysa ee iskoolka la billaabo waa dhacdo ku weyn nolosha qofka. Ma is weydiinaysaa sida ay noqon doonto billaabidda iskoolka ee ilmahaaga? Carruur iyo waalid badan ayaa dareen isku dhafan la kulma marka uu ilmuhu iskoolka billaabayo, waxaa isugu darsama welwel iyo farxad. Dhammaan carruurtu waxay u baahan yihiin ammaan marka uu noloshooda isbeddel ku yimaado, waxaana markaas wanaagsan in isbeddelkaasi yahay mid qorshaysan oo laga wada hadlay. Ilmuhu marka uu diyaarka u yahay waxa soo socda, ayay u fududaanaysaa in uu ka adkaado nololmaalmeedkiisa cusub. Talooyin adiga waalid ahaan ku saabsan bilaabista dugsiga Saacado, maalmo iyo sanadyo badan ayuu ilmahaagu iskoolka ku qaadan doonaa, waxaana muhiim ah in ay bey’adda fasalku tahay mid u roon ilmaha oo dhan. Marka uu ilmuhu saaxiibbo leeyahay oo iskoolka jecel yahay, ayuu si fiican wax u baran karaa. Adiga waalidka ah ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaara sidii ay ilmahaaga iyo kuwa dadka kaleba iskoolka u jeclaan lahaayeen oo saaxiibbo u yeelan lahaayeen.
Last ned PDF-fil