Sidee loo abuuri karaa jawiga u wanaagsan ee wadashaqaynta waalidka? Si loo helo wadashaqayn wanaagsan waxa habboon in inaynu maanka ku hayno hab dhaqankeenna iyo waxa aynu gaarka u qiimaynno si loo bilo wadashaqaynta. Waa in aynu marwalba maanka ku haynno inaynu la tacaamulayno dadyow kala duwan oo ka dibna is waafajinno in hab dhaqankeennu noqdo mid xoojiya wadashaqaynta. Shaqaalaha waxa ay masùuliyadi ka saaran tahay fududaynta xidhiidh wanaagsan iyo wadashaqayn dhexmarta waalidka iyo xannaanada. Dhinaca kale waalidka ayaa dhankooda mas`uuliyadi ka saaran tahay joogtaynta xidhiidhkaasi. Waalidku wuxuu shaqaalaha ula iman karaa xujooyin si uu u helo filashada u qabo, balse isagana waxa laga sugayaa inu gacan libaax ka gaysto sii adkaynta xidhiidhka iyo wadashaqaynta. Xidhiidhka noocan ah aayaa lagama maarmaan u ah sidii ay saamaynta waaldku u noqon lahayd mid rumowda. Isla xaajoodka u dhexeeya waalidka iyo shaqaalaha ayaa udub dhexaad u ah wadashaqaynta wacan ee gulaysata: • Waa inu xidhiidhku ahaado mid ay ku ladhan tahay laab furnaan, daacadnimo iyo is garabsi. Shaqaaluhu waa inay dhowraan xurmada waalidka, si la mid ah waa in waalidkuna u shaqaalaha ku ixtiraamo aqoonta ay u leeyihiin hawalaha a hayaan. Marka u horraysa ee u hirgalo is aqoonsiga labada dhinac ee guriga iyo xannaanada waxa hagaagaysa wadashaqaynta loo baahan yahay oo ah mid ilmaha anfacaysa. • Waalidka iyo shaqaaluhuba waa inay hadalka u dhigaan si wanaagsan markasta oo ay ilmaha wax ku saabsan. • Heegayaan, iyana dhexdooda is qaddariyaan iyo inay sidoo kale xaddaanada wax fiican ka sheegaan.Waalidiin badan ayaa ka cabsi qaba inay war siiyaan shaqaalaha xannaanada, iyaga oo ka baqanaya in taasi ay ku noqoto wax ilmahooda dhib u keeni kara. Waxa muhiim ah in shaqaaluhu ay hore u sii habaystaan qaabka ay u xafidayaan warcelinta ay ka helaan waalidka, si la kulanka waalidku u noqdo mid jawi deggen ku qabsooma. Saamaynta waalidku waxay ku imanaysa in waalidku u qayb ka noqdo hawlaha ka socda xannaanada, waa inay codkooda muujiyaan iyo fikirka ay qabaan iyo inay talo ku yeeshaan qaabaynta adeegga u ilmuhu ka helo xannaanada. Saamaynta waalidka waxa sidoo kale ka mid ah, in waalidku la iman karo aragti, soo jeedin iyo rabitaankiisa ku aaddan adeegyada maalinlaha ah ee ilmihiisu ka heli karo xannaanada. Matalan waxay noqon kartaa baahi u gaar ah waalidka ama ilmaha, sida haddii aanay labada waalid wada noolayn, waxay noqon kartaa diinta ilmaha lagu barbaariyo amaba waalidka oo xanuun qaba. Intee in leèg ayuu noqon karayaa ka qaybgalkiisu, waa mid si dabiici ah ugu xidhan qof walba baahidiisa gaarka ah awooddiisa iyo fursadihiisa. . Mar walba waxa diiradda la saarayaa wixii ilmaha u wanaagsan hadday tahay waalidka iyo xannaanadaba, iyo In la caadaysto wixii ilmaha u wanaagsan, korna loo qaado arrimahaasi muddada wadashaqayna. 4 Iskaashiga ka dhexeeya guriga iyo dugsiga xanaanada Waalidiin ka kooban dadyow isku dhaf ah Waalidku wuxu la kulmayaa dad leh khibrado iyo aqoon kala geddisan. Kala duwaanaanta xannaanadu ay kulmisaa aad ayay u badan yihiin, waxay ahaan karaan kala waayo aragnimo, kala khibrad, iyo kala aqoon, ku kala duwan bulshonnimo, dhaqaale, dhaqan, diin, jinsiyad iyo luqad intaba. Xannaanooyin baa jira dadka qaarkood ayaa ku bilaabma si taxaddar ku jiro oo fur furnaan leh, taasi ayaa sidoo kale caadi ka noqonaysa arrimaha maalinlaha ee xannaanada. Inta badan carruurta ku jira da`da xannaanada ee ku nool Norway waxay aadaan meel xannaano ah waxaana laga dheehan karaa sida ay ula qabsadeen dadyowga kala duwan. Waxa la odhon karaa in xannaanadu ay la shaqaynayso waalidiin kala nooc nooc ah, iyo iyadoo waalidku u la kulmayo waalidiin kale oo kala wada duwan, iyo inay la kulmayaan sidoo kale shaqaale iyaga laftoodu kala duduwan. Sidaa darteed waa muhiim ah inaynu ogaanno cilmi baadhista arrimahan laga sameeyay, oo ah mid iftiiminaysa in aanu la samaynay xidhiidhka intiisa u badan dad ay xaaladdooda dhaqan-dhaqaale la mid tahay taayada oo kale, taa mineheedu waa dad inta badan annaga nala mid ah. Haddii si ficil ahaan ah loo dhigo, taa micneheedu waa in shaqaaluhu aalaaba la kulmo dad iyaga u dhigma. Laakiin suàashu waxay tahay waa sidee xaalka waalidiinta kale ee iyaga ka duwan – sidee ayay xannaanadu u dammaanad qaadaysa inay waalidiintaa ula yeelato wadashaqayn wanaagsan oo la mid ah siday kuwa kale ula yeeshaan? Arrimaan waa in aad kaga sheekaysataan gudaha xannaanada – sidee ayaan wax u wadnaa iyo sidee baanse jeclaan lahayn in ay wax noqdaan? Waxa muhiim ah in waalidka iyo shaqaalu ay ka siman yihiin yuhuunta wanaagsan oo isku aragti ka yeeshaan in midkoodna aan ka kale ka maarmin oo isu baahan yihiin. Iskaashiga ka dhexeeya guriga iyo dugsiga xanaanada 5
Last ned PDF-fil