Maxay ahmiyad gaar ah u leedahay in xaddaanada iyo waalidiintu yeeshaan wadashaqayn wanaagsan? Wadashaqaynta u dhaxaysa waalidiinta iyo shaqaalaha xannaanadu waxay si weyn u qaabaysaa hawlaha maalinlaha ah ee ilmuhu kala kulmao xannaanada. Cilmi baadhis arrimahan ku aaddan ayaa lagu sheegay in marka waalaadiinta iyo shaaqaalaha u xidhiidh wanaagsani dhex maro, ay sidoo kale ka dhalato in shaqaalaha iyo ilmaha u xidhiidhkoodu wanaagsanaado. Haddaba muxuu yahay nuxurka wadashaqaynta wacan sidoo kale maxay tahay waxa ay waalidiintu dhinacooda ku biirin karaan hawl maalmeedka xannaanada? Waalidiintu waa cidda ugu muhiimsan ilmaha noloshiisa, sidoo kale marka la fiiriyo hayàdaha kale ee wada shaqaynta la leh xannaanada, isla waalidiinta ayaa ah kuwa ugu qiimaha iyo qaayaha badan ee xannaanadaha. Ilmuhu waxay aalaba fiiriyaan falcelinta waalidkood si ay u aqblaan qofka ku cusub, marka ay arkaan waalidka iyo shaqaalaha oo is marxabbaysiinaya waxay ilmaha uga dhigan tahay in loo xaqiijinayo sida ay xannaanadu u tahay meel la hubo inay ammaan tahay – Taasi waa isla shaqayn anfacaysa ilmaha! Waa maxay iskaashiga waalidnimo ee wanaagsan? adiga?? Hal xaalo oo wada shaqayn fiican ah, waxay ahmiyad gaar ah u leeday tayaynta hawlaha xannaanada. 2 Iskaashiga ka dhexeeya guriga iyo dugsiga xanaanada Qawaaniinta Qawaaniinta u dejisan xannaanooyinka iyo qoraallada kale ee rasmiga ah ayaa leh qorshe dhammaystiran oo lau hago, kaasi oo qeexaya habraacyada hawlaha ay xannaanadu fuliso, waana mid si cad u tilmaamaya hannaanka wada shaqayneed ee u dhaxaysa guriga iyo xannaanada. Waxa ku dhigan: in xannaanadu ay la yeelato guriga wada shaqayn iyo isfahamba si ay u hanato dhammaan baahiyaha ilmaha hadda tahay daryeel guud ama ciyaarsiin iyo in la kobciyo garaadka ilmaha lagana dhiso dhanka waxbarashada, taasi oo gundhig u ah baraarinta suubban ee dhan walba leh, sida ku cad sharciga xannaanada faqardiisa 1. Xannaanadu waxay mudnaan siinaysaa xaqa waalidka waanay u fududaysaa inu talo ku yeesho kana hawlgalo sidii loo heli lahaa wadashaqayn wacan iyo isfaham dhex mara xannaanada iyo waalidka sida ku cad sharciga xannaanadaha qodoada 1 iyo 4. Wadashaqaynta guriga iyo xannaanadu waa mid mar walba leh halbeeg ilmaha u wanaagsan. Waalidka iyo shaqaalahuba waxay wadaagaan masùuliyad u adeegaysa in ilmuhu ku barbaaro jawi degenaansho iyo horumarin leh.» Sharcigan aayaa dhigaya in xannaanada ay waajib ku tahay sidii ay waalidka u siin lahaayeen fursad u qayb uga noqdo hawlaha ka socda xannaanada iyo saamayn muuqata ku lahaado.Waalidka waxa la siinayaa maclumaadka ay u baahan yihiin ee ku aaddan arrimaha barbaarinta toosan iyo adeegyada loo fidin karo. Si la mid ah waxa aad muhiim ah in waalidkuna dhankiisa si fiican uga qayb qaato dhammaanba arrimaha xannaanada isla markaana muujiyo sida uu u danaynayo xannaanada iyo adeegyada ay fidiso. Xidhiidhka wada hadalka ayaa laga yaabaa inu noqdo furaha horumarka. Kulanka ama xidhiidhka maalinlaha ah ayaa kor u qaada tayada ilmo gaar ah. Ha jiro is arag ama kulan dhexdiinna ah oo u dhaca qaab furfurnaan iyo is ixtiraam leh. Waa inay jirtaa is weydaarsi dhanka farriimaha ah oo leh ujeeddooyin hufan. Xannaanadu ma awooddo inay daboosho rabitaan walba iyo baahi kasta, laakiin waxay si xushmad leh u dhagaysanaysaa waalidka iyo inay sameeyaan isku day walba oo suurtagal ah oo ku addaan sidii loo qeexi lahaa rajooyinka wanaagsan. Wadashaqayn wanaagsan oo dhexmarta guriga iyo xannaanada, isfaham si siman u dhaca oo ay labada darafba u leeyihiin garasho iyo waayo aragnimo ayaa suurtagal ka dhigta u adeegidda ilmaha. Qorshe hawleedka waxa ku dhigan in waalidku yahay ka iska leh masùuliyadda korinta iyo barbaarinta ilmaha. Waxa kaloo muhiim ah in aad xusuusnaato iyadoo xataa ilmuhu haysto dad waaweyn ama shaqaale aqoon ahaan u carbisan ay hareero joogaan xannaanada, in hadddna ay weli xaqiiq tahay in waalidka laftiisu u yahay kan sida ugu fiican u yaqaanna ama khabiirka ku ah ilmahiisa. Iskaashiga ka dhexeeya guriga iyo dugsiga xanaanada 3
Last ned PDF-fil